Xog xasaasi ah: Ciidan Ethiopian ah oo ku wajahan MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa lagu wadaa in Asbuucyada nagu soo fool leh ay magaalada Muqdisho soo gaarsiiso cutubyo ka tirsan ciidamadeeda Milliteriga kuwaasi oo kaalin ka qaadan doona sugida goobaha la filaayo inay ka dhacaan doorashada.

Dowlada Ethiopia ayaa ciidamadaasi ku diyaarineyso Magaalada Qabridahar ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana qeyb ka noqon doona ciidamadaasi kuwo laga soo xulay DDSI oo ciidamada ethiopia ka caawiyaan dhanka luqada.

Ciidamadaani ayaa lagu biirin doonaa kuwa AMISOM ee qeybta ka ah ilaalinta goobaha ay doorashada ka dhici doonto.

Ciidamadaani ka socda dowlada Ethiopia ee magaalada Muqdisho kusoo fool leh ayaan u diiwaan gishneyn AMISOM, balse waxa uu qorshuhu yahay mid u gaar ah dowlada ethiopia iyo madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Ciidamadaani diyaarinta ay ku socto ayaa waxaa la qorsheeyay in laga soo dhoofiyo Garoonka diyaaradaha Qabridahar.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa dhawaan heshiisyo dhowr dhinac ah magaalada Jigjiga kula soo galay dowlada ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com