Wasiir Odawaa oo 2 sababood u aaday magaalada CADAADO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud gaaray Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Wasiir Odawaa ayaa markii uu gaaray magaalada Cadaado kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Socdaalka Odawaa ayaa salka ku haya laba arrin oo midi ay tahay kormeerida goobaha la filaayo inay ka dhacaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka ee ka imaan doona dhanka Galmudug.

Ujeedka labaad ee socdaalka Odawaa ayaa ah wada-hadal loo furayo Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxa uuna qaabka wada hadalkaasi la dajinayaa maamulka Galmudug.

Odawaa ayaa xusul duub ugu jira sida maamulka Ahlusuna uu ugu soo biirin lahaa maamulka Galmudug, inkastoo taasi ay ka horeyso dadaal badan.

Safarka Odawaa ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor uu sheegay inuu diyaar u yahay in Madxaweynaha Ahlusunna uu u baneeyo kursiga uu iminka u hayo Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com