CAMEY: Madaxweyne ku xigeen mise hogaamiye kooxeed cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Dadka magaalada Garowe waxay saaka ku soo baraarugeen dhacdo la yaab leh, kadib markii ciidamadii ilaalada u ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Cumar Camey oo laga amray madaxtooyada ay qabsadeen xaruntii Amal Bank ee magaaladaasi.

Ujeedka ciidamada qabsaday xarunta ganacsi ayaa la ogaaday inay ahayd baad uu ka doonayay madaxweyne ku xigeenka oo weydiistay shirkadda AMAL lacag, markii ay ka cudurdaartayna uu falkan kula kacay.

Xarunta Bankiga Amal ee Magaalada Garowe waxaa isku gadaamay ciidamada aadka u hubaysan ee ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka, waxayna banaanka usoo saareen shaqaalihii Bankiga, isla markaana joojiyay shaqasii xarunta.

Ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka ayaa markii dambe la sheegay inay ka tageen xarunta shirkadda Amal, waxaana maanta magaalada laga hadal hayaa arrintan oo la yaab ku noqotay dadka magaalada, waana hab dhaqan hogaamiye kooxeedyada lagu yaqaanay inay sharci darro ku weeraraan xarumaha ganacsiga kana qaataan lacago baad ah.

Waxaa caddeyn iyo faahfaahin looga fadhiyaa C/xakiin Cumar Camey oo lag sugayo inuu dadka ka qanciyo tallaabada ay qaadeen isaga iyo ciidamadiisa ee ceebta ku ah xilka iyo mansabka uu ka hayo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com