Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo maanta geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia ku geeriyooday duqii hore ee Gobolka Banaadi Axmed Mude Xuseen.

Mude ayaa baryahaani danbe ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho waxaana maanta lasoo wariyay inuu u geeriyooday xanuunka.

Marxuum Mude, ayaa xilka Gobolka Banaadir qabtay muddo laba jeer ah waxa uuna markii ugu horeysay xilkaasi qabtay sanada marka ay aheyd 1958, halka markii xigtay uu xilkaasi qabtay 1966.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa Xildhibaanadii horay uga tirsanaa Baarlamaanka dalka waxa uuna Baarlamaanka kasoo gali jiray doorashada degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe.

Geerida marxuumka ayaa iminka magaalada Muqdisho ka noqotay mida ugu hadal heynta badan maadaama uu ahaa Mas’uul miisaankiisa aan la muujin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com