Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhex-qarxo Turkey iyo dal ay xiisad culus kala dhaxeyso

Athens (Caasimada Online) – Greece ayaa soo saaray digniin cusub, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu adeegsado dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri, si ay u difaacdaan madax-banaanidooda, ayna uga hortagaan farogelin qorshaysan oo uu wado dalka Turkiga, sida hadalka loo dhigay

Digniintan tooska ah ayaa daba socota, heshiiskii muranka badan dhaliyey ee dhowaan dhexmaray dalka Turkiga iyo qayb ka mid ah dawladda ka dhisan dalka Liibiya. 

Xiisadda u dhexeysa labadan dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, ayaa beryahanba cirkaas maraysay, waxaana laga cabsi qabaa inay faraha ka baxdo ayna u xuubsiibato gacan ka hadal, taas oo halis gelin karta isbahaysiga milateri ee ay xubnaha ka yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Greece Kyriakos Mitsotakis oo la hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u soo jeediyey dalka Turkiga inuu ku soo laabto, wax uu ugu yeeray, caqliyadda saliimka ah ama jid macquul ah.

Waxa uu ku hanjabay in haddii ay taasi dhici waydo oo ay Ankara sii waddo gardarradeeda, in Greece ay qaadi doonaan tallaabo ay dib gacanta ugu dhigaan, wax uu ugu yeeray, dhulkooda.

Hanjabaadda Greece ayaa timid ka dib markii uu Turkigu dhowaan heshiis la saxiixday mid ka mida labada maamul ee isku haya dalka Libya, isagoo heshiiskaasi uu dalka Turkiga fursad u siinayo inay sahamin shidaal ka sameeyaan dhul uu Greece u arko inuu leeyahay.