Toogasho ka dhacday xarun xanaano oo lagu dilay 34 qof

Bangkok (Caasimada Online)Nin hore uga tirsanaa booliiska Thailand ayaa Khamiista maanta ah 34 qof ku dilay toogasho wadareed ka dhacday xarun lagu xanaaneeyo carruurta.

Warbaahinta gudaha ayaasheegtay in ninka hubeysan uu markii dambe is-dilay, kadib markii fuliyey toogashada.

Dhibanayaasha ayaa waxaa ku jiray 22 caruur ah iyo sidoo kale dad waaweyn, sida ay booliisku sheegeen.

Mar sii horreysay, boolisku waxay sheegeen inay ku raad-joogaan ninkii toogashada geystay, waxaana afhayeen u hadlay dowladda uu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu ku wargeliyay dhammaan hay’adaha ammaanka in gacanta loogu soo dhigo dembiilaha.

Toogasho wadareedka ayaa naadir ku ah Thailand in kasta oo heerka lahaanshaha hubku uu sareeyo marka loo eego qaar ka mid ah wadamada kale ee gobolka, iyo sidoo kale hubka sharci darrada ah caadi ka ah Thailand.

Sannadkii 2020-kii, askari ka carooday heshiis hantiyeed ayaa toogtay ugu yaraan 29 qof, 57 kalena ku dhaawacay weerar ka dhacay afar goobood.

Voa + Reuters.