Arrin kusoo badaneysa Muqdisho oo qeyb ka ah amni dareada lala daala-dhacayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho muddooyinkii dambe kusoo badanayay iibinta waxyaabaha maanka dooriya ee daroogada ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya amni darada kajirta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadal ka jeediyay kulan-weyne looga hadlayay doorka bulshada ay ka qaadan karto horumarinta iyo xasilinta amniga caasimada ayaa waxa uu ka sheegay in ka maamul ahaan ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ka ganacsada maandooriyaha.

“Daroogada magaalada kusoo badaneysa qeyb ayey ka tahay amni darada, waa in aan la dagaalano. Bulshada iyo amniga ma kala maarmaan oo waa isku baahan yihiin marka waa ku qabsanahay in aan amnigeeda ka shaqeyno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in meel kasta oo kamid ah magaalada Muqdisho si caadi ah loogu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, illaa heer ay lamid noqdeen sida dukaamada Burka iyo Bariiska lagu iibiyo oo kale.

“Maanta meelkasta dukaamada maxalaadka ah ee lagu gado burka & bariiska iyo tan daroogada lagu gado waa isku mid, weliba kuwaana ka daran. Askar ayaa ilaalineysa oo Boolis ama Millateri ah ayaa ilaalineysa oo dhex fadhiya.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in huteelada fisqiga ah ee magaalada Muqdisho ay ilaalinayaan ciidamada, taasi oo uu sheegay inay tahay mushkilad hor leh oo u baahan in wax laga qabto, islamarkaana la iska kaashado.

“Waxaan rabaa sida ay bulshada noo aaminto inaan kasbano, waxaase dhibaato ah inaysan naa aaminsaneyn, beryahaan waxaan ka cabaneynay in qofkii Bulshada kamid ah ee qof dambiile ah soo sheega in qofkii la xiray la soo deeynaao oo Xildhibaano iyo Wasiiro ay daba oradayaan.”