Dagaal laga cabsi qabo inuu ka qarxo Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna ee gobolada dhexe, kaasi oo abuuray kala shaki iyo xiisad dagaal oo ka dhex taagan labada dhinac ee isku haya Galgaduud iyo Mudug.

Waxaana ay arinta ka dambeysay kadib markii xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Galmudug dhawaan ay tageen magaalada Caabudwaaq iyo deegaano kale, taasi oo ka careysiisay maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Ahlu sunna ayaa wadda qorshe ay kaga hortagayaan falka ku aadan in golaha wasiirada qaarkood ay tagaan deegaanada ay kasoo jeedaan oo Ahlu sunna ay ka taliso.

Ahlu sunna ayaa dhawaan ku hanjabtay iney xiro doono masuul kasta oo ka tirsan Galmudug oo arimo siyaasadeed u taga deegaanada maamulkood ka taliyo.

Warar ku dhow deegaanada xiisada ay ka jirto ayaa tilmaamaya in hadii saan arintu ku sii socota inay keeni karto iska hor imaad toos ah.

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa inaaney wax saameyn ah yeelan heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen garab ka mid ah Ahlu suna iyo Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com