XOG: Khilaaf culus oo durbadiiba ka dhashay xil ka qaadista lagu sameeyay jeneraal Indhaqarshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la soo warinayaa in buuq uu iminka ka taagan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii hore ee Ciidamada Xooga dalka Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Mid kamid ah Saraakiisha ugu sareysa Wasaarada difaaca dalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Taliyihii hore ee Ciidamada Indha-qarshe uu Wasiirka ku eedeeyay inuu ka talaabay shuruucda loo maro xil ka qaadista, isaga oo sheegay inaan lagu soo wargalin xili hore xil ka qaadistiisa.

Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa la soo warinayaa in dhowr jeer uu isaga dal baday in xilka laga wareejiyo balse laga diday markii danbe uu la kulmay xil ka qaadis degdeg ah oo aan loo soo jeedin.

Sargaalkaani u xog waramay Caasimada ayaa sheegay in maalmahaani danbe uu khilaaf ka dhex aloolsanaa Wasiirka iyo Indha-qarshe taasina ay soo dadajisay in Wasiir diini uu xil ka qaadistaasi uga faa’iideysto kulankii khamiista dhacay oo ay wada qaaten Golaha Wasiirada.

Xil ka qaadista ayaa dhalisay khilaaf hor leh oo dhexmarta labada Mas’uul inkastoo ay xogtu intaa kusii dareyso in Indha-qarshe uu ka gaabiyay howlihii kaga aadanaa wasaarada taasina uu xilkiisa ku waayay.

Geesta kale, xil ka qaadistaani ayaa qeyb ka ah isbedel mudooyinkaani laga dareemayay xarumaha DF Somalia, waxaana socda qorshooyin kale oo xilka looga xayuubin doono Mas’uuliyiin farabadan oo xilal muhiim ah ka hayo Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com