28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Galgaduud iyo khasaaraha oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxaaya dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Dagaalkan ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyo beeleed hubeysan ay weerar ku qaadeen kuwa kale oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Balanbale iyo Xeraale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka uu salka ku hayo murun la xiriira dhul daaqsin iyo anooyin qabiil oo halkaasi ka jira.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 8 ruux, halka ku dhawaad 11 kale uu kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka weyn ee magaalada, waxaana laga yaabaa in kuwa daran loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, xiisad u dhaxeysa Maleeshiyo beeleedkii dagaalamay ayaa saaka ka taagan degmooyinka Balanbale iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News