Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta kulankoodii ugu horeeyay oo colaada Mudug looga hadlayay yeelanayaan madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa la filayaa iney marka hore yeeshaan labada masuul, waxaana kadib sida qorshaha uu yahay ku biiraya saraakiisha ciidamada labada maamul kala hogaamineysa.
C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana kadib uu kulamo gaar gaar ah la qaatay saraakiisha iyo madaxda Puntland ee ku sugan magaalada.
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa la filaaya in ay goob joog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyoo xubno kale.
Qaar kamid ah waxgaradka labada dhinac eek u sugan magaalada ayaa la qorsheynayaa iney goobjoog ka noqdaan kulanka maanta ka dhacaya magaalada.\
Labada madaxweyne ayaa iminka ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana la sugayaa waxyaabaha ay markii labaad kasoo saaraan colaada magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

