Dagaal mar kale dhex maray ciidamo ka wada tirsan DF

Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xalay fiidkii hore ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku dhex-maray qeybo ka mid ah magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, qeybta 14-ka October iyo kuwa NISA ee ka wada howl-gala gudaha magaallo xeebeedkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu yimid, kadib markii uu ciidamadaasi soo kala dhex-galay muran ka dhashay lacago ay isku maan-dhaafeen labada dhinac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa saaka ah mid degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan is-rasaaseyntaasi.

Maalmihii la soo dhaafay xaaladda ammaan ee Marka ayaa aheyd mid degan, waxaana howl-gallo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada ammaanka ee ka howl-galka halkaasi.