Ciidamada amniga Puntland oo gacanta ku dhigay rasaas badan iyo qaraxyo + Sawirro

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyey howl-gallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka maamulka Puntland ay ka sameyeen gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sheegay in howl-galladaas oo u jeedkoodu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga ay ku fashiliyeen qarax la dhigay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen rasaas fara badan iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada oo lagu diyaarinayey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xoojin doonaan baaritaanadooda, isaga oo shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada deegaanka.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.