Mid ka mid ah wasiirada PUNTLAND oo is-casilay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Puntland, Mudane Maxamuud Xaaji Saalax ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkaasi, isaga oo warqadda is-casilaadiisa u gudbiyey madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni.

Saalax ayaa ka dalbaday madaxweynaha Puntland inuu ka aqbalo is-casilaadiisa, wuxuuna shacabka iyo xukuumadda u rajeeyey nabad, barwaaqo iyo horumar.

Sidoo kale wuxuu sababta uu isku casilay ku sheegay inay isku fahmi waayeen isaga iyo madaxweyne Deni nidaamka shaqo ee wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.

Wasiirku ma faah faahin is faham-waagaas soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha Puntaland iyo waxa uu salka ku hayo.

Si kastaba is-casilaadda wasiirka kalluumeysiga Puntlad ayaa ku soo aadeysa xilli muddooyinkii u dambeeyey uu khilaaf xoogan ka taagnaa xarunta wasaaraddaasi.