Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal muddo kooban socday ayaa waxa uu galabta ka dhacay galbeed magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo isku rasaaseeyay meel aan sidaa uga sii fogeyn Maxjarka Xoolaha ee maalmahaani lagu dagaalamaayay.
Rasaasta ugu badan ayaa ka dhaceysay xaafada lagu magacaabo Garsoor, waxaana mudada uu dagaalka socday leysu adeegsaday Hubka fudud iyo kan culus.
Hubka culus ee mudada uu Dagaalka socday ay labada dhinac isu adeegsanaayen ayaa waxa ay ku dhacayeen waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana Hubka ugu badan tuuraayay ciidamada Puntland.
Odayaasha labada maamul ayaa dhowr jeer ku fashilmay xal u helida Dagaalka waxaana hadda hakat ku jira wadahadalka.
Lama hubo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka mudada kooban socday.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

