Dagaal Muqdisho ka dhacay maalintii labaad oo xiriir ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Warta Nabadda Ciidamo Militari & Boolis ayaa isku dagaalay halkaasi.

Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Milateriga ah ay isku dayeen inay maraan bar koontarool oo Ciidanka Booliska ah ku leeyihiin Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid,hayeeshee uu soo kala dhexgalay isfaham waa sidaasina uu ku bilowday dagaalka.

Illaa laba askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi Militariga ay ku fureen askarta ku sugnayd Isgoyska Baar Ayaan ee Degmada Yaaqshiid.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay kuwii nabad qabay inay ka carareen, meesha waxaana hadda meesha jooga Ciidamada Militariga oo wata Gaari Cabdi Bile ah oo uu ku xiran yahay Qoriga wayn ee Dhashiikaha loo yaqaan.

Ciidamada Militariga ayaa qoriga ka qaatay Askari dhaawac ah oo ku cararay Xarun Ganacsi oo ku taalo meesha la isku dagaalay, waxaana la arkayey askarigaas oo Dhiig baxayo isla markaasna ku qeelinayo yaa la i dilin.

Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda iyo kuwo Booliska uu dagaal ku dhexmaray Isgoysa Maana-Booliyo,kaasi oo lagu gubay gaari nooca dagalka uu lahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah.

Jawiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu yahay mid qasan, banaanbax ayaa ka socda dhinac Magaalada ka mid ah, halka dhinaca kalena Militari & Boolis isku u gaarsanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com