Dagaal qaraar oo Galmudug ka dhacay, sarkaal sare oo la dilay iyo AL-SHABAAB ‘oo qabatay’ taliyihii ciidamada…

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyey ciidanka daraawiishta Galmudug iyo kooxda Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhwaacba leh, iyadoo Al-Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaalkaas.

Inta la xaqiijiyey shan askari oo ka tirsanaa daraawiishta Galmudug iyo sarkaal sare ayaa ku geeriyooday dagaalka, kadib markii Al-Shabaab ay galabta weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahayeen deegaanka Shabeelow oo u dhaw Bacaadweyn.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray ciidamada daraawiishta Galmudug, markii laga soo tago dhimashada shanta askari iyo sarkaalkaas oo ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.

Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ah sarkaalka ku dhintay dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Shabeelow ayaa ahaa Taliyihii ururka Horseed ee ciidanka daraawiishta Galmudug, sidoo kale gaari dagaal ayaa ciidanka Galmudug looga gubay dagaalka, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa werisay in war kasoo baxay kooxda ay ku sheegatay in ciidamada Galmudug ay dagaalkii galabta uga dileen 30-askari oo saraakiil ay kamid yihiin iyo dhaawacyada tobanaan askari oo kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale warkaan laga soo xigtay Al-Shabaab waxay ku sheegteen inay dagaalka ku qabteen Taliyihii ciidamada badda maamulka Galmudug, isagoo nool, kaas magaciisa ay ku sheegeen Xirsi Cali Shire.

Laba sarkaal oo la kala yiraahdo Maxamed Cali Salaad iyo Cali Diini ayey sidoo kale sheegeen inay dagaalka ku dileen, isla markaana ay furteen seddax gaari oo Senator Cabdi Qeybdiid uu lahaa, sida ay warkooda ku sheegeen.