Dagaal qaraar oo ka dhex qarxay ciidanka Somaliland iyo jabhada Wabar ee Awdal

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Wabar uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Degmo-Laqas ee galbeedka magaalada Boorama.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo ku sugnaa deegaankaasi, kuwaasi oo ay kala kulmeen iska caabin xoog leh.

Wararka aanu helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in is-rasaaseyn muddo socotay kadib ay qaar kamid ah ciidamada Jabhada Wabar ay u baxsadeen dhinaca xuduudka Itoobiya, halka saddex kamid ah ciidankaasina ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay saddex dhalinyaro oo ay ku dhaawaceen iska hor-imaadkaasi, kadib markii ay ka firxadeen ciidamadii kale ee iska caabinta kuwada jireen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

“Ma jirin wax Jabhad la yidhaahdo oo deegaankan deganaa, balse waxa maalmihii u dambeeyay aanu arkeynay dhalinyaro hubeysan oo aan deegaanka hore uga tirsaneyn” ayuu sidoo kale yiri Oday kamid ah dadka deegaanka oo ay la hadashay Caasimada Online.

Somaliland ayaa u muuqata mid quus ka taagan wada-hadal ay la furto Jabhada Wabar, kadib markii uu hogaamiyaha Jabhdaasi, Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar uu sheegay inuusan marnaba waxba ka sugeyn hogaamiyaha ugu sareeya Somaliland ee Muuse Biixi, maadama uu qarka u saaran yahay in uu kala dareeriyo beelihii Hargeysa.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay xoog iyo xeeladba ay u burburin laheyd Jabhadaha ka dilaacay degaanadeeda, iyadoona shalay ku guuleysatay inay soo xero galiso Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo dhowaan si weyn ugu hanjabtay xukuumada Muuse Biixi, kuna dhawaaqday dagaal ka dhan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Boorama