Madaxweyne Farmaajo: 3 dal oo loolamaya ayaa nagu haya cadaadis xooggan

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay cadaadis xooggan kala kulmeyso saddex dal oo ku yaalla Khaliijka oo mid walba uu doonayo inuu xulufo la noqdo.

Farmaajo ayaa caqabadaha dowladdiisa ka haysta saddexdan dal carbeed uga warramay xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, oo uu afar maalmood booqasho ku joogay.

“Maalmahan dalalka Khaliijka waxay kusoo biireen dhacdooyinka Soomaaliya ayaga oo caqabad ah. Waxaan isku dayeynaa inaan meeshooda ku hayno, si dowladda u shaqeyso oo ay dadka wax ugu qabato.” Ayuu yiri Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay saddexdan dal, inkasta oo lagu eedeeyey inay la safatay Qatar, balse sheegtay in Qatar ay la leedahay kaliya xiriir wada-shaqeyn oo wanaagsan.

Zakariya Yusuf oo ah fallanqeeya Soomaali ah oo la shaqeeya hay’adaha xasaradaha caalamiga ah ee ICG ayaa sheegay in khilaafka dalalka carabta uu dhaawacayo Soomaaliya.

“Khilaafkan wuxuu keenay in Soomaalida la kala saftaan dalalka Carabta, sidaas darteedna wuxuu khilaaf ka dhex abuuray Soomaalida dhexdeeda.” Ayuu yiri.

“Imaaraadka Carabta waxay dhisayaan dekedaha Boosaaso iyo Berbera, ayaga oo aan fasax ka haysan dowladda dhexe ee Muqdisho.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Zakariya.

Inkasta oo madaxweynuhu sheegay in saddexdan dal ee Khaliij ay ku loolamayaan Soomaaliya, haddana Imaaraadka Carabta ayaa mar hore isaga baxay Soomaaliya, halka Sacuudiga uu markii horeba joogitaan ku lahayn gudaha dalka. Waxaa hadda loolankaas ku adkaaday kuna haray dalka Qatar.

Halkaan ka daawo: Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com