TRUMP: “Marie wax ay ka soo billowday Soomaaliya bal arka sida ay noqotay”

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa weerar ku qaaday safiirkii hore ee Mareykanka ee Ukraine Marie Yovanovitch, xilli ay shalay ka hor marqaati furaysay Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Marie Yovanovitch ayaa waxaa su’aalo laga weydiinayey baaritaan xil ka xayuubin oo lagu hayo madaxweyne Trump oo ku saabsan inuu ku cadaadiyey madaxweynaha Ukraine inuu baaro wiil uu dhalay Joe Biden, oo ah musharax doonaya inuu Trump kula loolamo doorashada Mareykanka ee 2020.

“Meel kasta oo ay Marie Yovanovitch aaday waxay isu rogtay meel xun. Waxay kasoo billowday Soomaaliya, sidee taas noqotay?, haddana ku imow Ukraine, halkaasi oo madaxweynaha Ukraine uu si aan wanaagsaneyn uga hadlay.” Ayuu yiri Trump.

Trump ayaa Soomaaliya u adeegsaday tusaale uu rabo inuu ku muujiyo in shaqada diblomaasiyadeed iyo adeegga dibedeed ee ay dalka Mareykanka usoo qabatay Marie Yovanovitch uu ahaa mid fashil ah.

Trump ayaa horey dhowr mar oo kale u weeraray una aflagaadeeyey Soomaaliya iyo dadka Soomaalida, isaga oo muujinaya sida uu u neceb yahay.

Bilo un kadib markii uu xukunka qabtay, madaxweyne Donald Trump ayaa isaga oo aad u carreysan waxa uu sii-hayihii xilligaas ee xoghayaha amniga gudaha, Elaine Duke weydiiyey sababta aan wax uu ugu yeeray “qaxootiga Soomaalida liidata” looga mamnuucin Mareykanka.

Sheekadan ayaa waxaa lagu faah-faahiyey qeyb ka mid ah buugga cusub ee “Border Wars” oo shaaca ka qaaday in Trump uu rumeysan yahay in Soomaalida ay halis ku yihiin Mareykanka.

“Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqday inay naceyb gaar ah u qabaan Soomaaliya. Ayaga oo inta badan dadka Soomaalida usoo qaadanayey tusaale, marka ay ka hadlayaan halista qaxootiga imanaya Mareykanka,” ayaa lagu qoray buugga.

Buugga “Border Wars” ayaa waxaa qoray Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka tirsan wargeyska New York Times.

Halkaan ka daawo: Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?

caasimada@live.com