Daawo Cumar Filish: Intii la dhamaan lahaa ha dhibtoodo, waddooyinka lama furayo

Johannesburg (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa si rasmi ah uga laabtay ballan-qaadkii uu horey u sameeyey ee ahaa inuu furayo waddooyinka xiran ee magaalada caasimadda ah.

Cumar Filish oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegay in isaga shaqsiyan uusan rabin in waddooyinka aysan xirnaan xitaa hal maalin, balse uusan lahayn go’aanka lagu furayo.

“Waddooyinka waxay u xiran yihiin dhibaato amni oo jirta, madaxda ayaana iska leh go’aankan. Go’aankan madaxda waxa uu yahay inta la dhammaan lahaa hal la dhibtoodo. In la dhammaado iyo in la dhibtoodo yaa roon?” Ayuu yiri Cumar Filish.

Cumar Filish ayaa markii la doortay ballan-qaaday inuu muddo saddex bilood ah ku furayo jidadka xiran ee magaalada, hase yeeshee sida aan xogta ku helnay waxaa taas aad uga hor-yimid hay’adaha amniga iyo madaxda sare.

Waddooyinka xiran ayaa aad u yareeyey qaraxyadii magaalada ka dhici jiray, oo inta badan lagu fulin jiray baabuur qaraxyo laga soo buuxiyey oo magaalada laga soo geliyo deegaano ka tirsan gobollada deriska la ah.

Inkasta oo qaraxyo naadir ah ay hadda dhacaan mararka qaar, haddana waxay u badan yihiin qaraxyo yar oo ka dhashay baabuur miinooyin lagu xiray, kuwaas oo khasaarahooda aad uga yar yahay qaraxyada baabuurta magaalada lasoo geliyo.

Halkaan ka daawo: Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?

Hoos ka daawo Cumar Filish

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com