Qiso aad cajiib u ah: Gabar Soomaali ah oo diyaaradii ay raaci laheyd ugu hartay caawinta Soomaali kale

London (Caasimada Online) – Waa qiso dhif iyo naadir igu ah inta aan Soomaalida ka aqaan ama aan ka maqlay, inay ku dhiiradaan sidii ay u caawin lahaayeen Soomaali kale oo xannuun ku dhex qabtay garoon diyaaradeed, weliba aan aqoon isu laheyn, labo qaaradoodna ka kala tegay.

Qisadaan dhabta ah, waxaan jecleystay inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago, maadaama ay aheyd sheeko aad ii xiisa gelisay oo dareenkeyga aad usoo jiidatay, maadaama aan horay ula kulmin una maqal.

Sheekaddaan ayaa waxay ka dhacday, garoonka diyaaraddaha Frankfurt Airport ee dalka Jarmalka, halkaasi oo Illaahey ku kulan-siiyay gabadha qisadaan ku saabsan iyo nin da’ ah ee garoonka dhexdiisa kula soo booday xannuunka Stroke ee dhiig xinjiroowga ku dhaca maskaxda una badan dadka da’da ah.

Gabadha Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Asli, degan magaalada Barlin, safarkeeduna ahaa magaalada Muqdisho ayaa la kulantay xili ay ku socotay Gate-kii ay ka duuleysay diyaaraddii Turkish Arline ee Istanbul kadibna ay kasii badalan laheyd Ataturki diyaaraddii Muqdisho, hase ahaatee waxay intii aysan gaarin Gate-kii ay ka baxaysay waxay la kulantay Nin Soomaaliyeed oo jihada ka dhunsan tahay, kaasoo aan ka war qabin xaaladiisa iyo sida ay wax ka yihiin, nasiib wanaag waxaa goobta uu ku wareersanaa kusoo martay Asli oo dareentay xaalada Odayga Soomaaliyeed inaysan caadi aheyn, waxayna weydiisay waxa ku dhacay iyo meesha uu u socdo si ay u caawiso.

Wuxuu u sheegay inuu wareersan yahay, meel uu ka yimid iyo meel uu u socdana uu garaneyn, durba Asli waxay dareentay in xaalada odayga aysan caadi aheyn, nasiib wanaag, maadaama ay aheyd qof caafimaadka baratay waxay dareentay inay xaaladiisa caadi aheyn, waxayna isku dayday in ay dejiso, hase ahaatee odayga uu isku dhex yaacay, kadibna si dirqi ah ayey u fadhiisisay odayga meel uu ku nasto, waxayna dareentay Asli in wax weyn ay jiraan oo waxay si deg deg ah ugu yeertay qeybta gurmadka garoonka maadaama ay aheyd qof si wanaagsan u garaneysay luuqada Jarmalka, waxaana meeshii durba yimid kooxda gurmadka deg dega.

Nasiib Wanaag, waxaa isla goobtii lagu ogaaday in odayga Soomaaliyeed uu ku dhacay xannuunka Stroke oo qofka uu kusoo boodo.

Gabadha Soomaaliyeed ee Asli lagu magacaabo meeshaas ayey ku hilmaamtay inay aheyd qof duulimaad u ahaa dalkii hooyo ee ay u socotay, waxaana markii adeega caafimaad loo sameeyay ee la damcay in isbitaalka loo qaado ay kooxda gurmadka deg dega iyo booliska garoonka ka howlgala u mahad celiyeen Asli, oo ay weydiiyeen halka duulimaadkeeda uu ku socday, halkaasina ay miirkeeda kusoo noqday, waxayna u sheegtay inay ku socotay Muqdosho, diyaaradeedana aheyd Turkish Airline oo Istanbul to Mogadishu aheyd, hase ahaatee lagu war geliyay in diyaaradaasi ay baxday 2 saac ka hor.

Nasiib wanaag, gargaarkii iyo Soomaalinimadii ay sameysay awgeed waxaa arrintii duulimaadkii ka tegay Asli la wareegay booliska garoonka oo shirkadda Turkish Airline ku wargeliyay sababta ay ugu tagtay diyaaradda ay aheyd mid bini’aadanimo awgeed,  shirkadda Turkish Airline-na u fasaxday in duulimaad kasta oo xiligaasi u baxaaya Istanbul ay raaci karto si aysan ugu baaqan safarkeeda Muqdisho, waxaana saacad kadib si shuruud la’aan ah ay u raacday diyaaradda Lufthansa ee ku socotay Istanbul, sidaasina ugu suuragashay in waqtigii ay ugu talagashay ugu degto Muqdisho.

Qisadaan cajiibka ah, sooma bandhigeen hadaan gabadhaan heli laheyn xiligaan aan qoraayo oo saacada 1:40 AM ah xiliga London inoo tahay, haddaan caawa nasiibka i haleysiin inaan Asli u mahad celiyo maadaama sagaal bilood ka hor caawinta odaygaan Soomaaliyeed u sameysay mid la mid ah ii sameyn laheyn, anigoo xiligaasi garoonka Istanbul ku jaha wareersan aysan igu caawin laheyn, xiligaasi oo duulimaadkeenu ahaa London iyo Barlin balse transit ku aheyn Istanbul, xiligaasi oo caawin midaan la mid ah iigu sameysay garoonka istanbul dhexdiisa, markii ay iga lumeen boorsadii gacanta “hand baggage” oo ay iigu jireen doumenti, kaararkii bangiyada, aqoonsiga, Laptop Macbook ah, nasiib wanaag dadaal ay sameysay aan ku helay inta badan alaabtii ku jirtay marka laga reebo bangiyadii iyo aqoonsiyadii muhiimka ahaa.

Tabiyaha Qisada: Ali Muhiyaddin
London, UK

Halkaan ka daawo: Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com