Muuse Biixi oo u jawaabay Ciro kana dalbaday inuu soo bandhigo caddeymo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qeyb galay Carwo dhinaca caafimaadka ah oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa waxa uu khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay arrimo badan oo muddooyinkii u dambeeyay ka taagna Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa si gaar ah waxa uu uga hadlay, arrinka xubnaha cusub ee Komishanka oo muran baahsan uu ka taagna, kaasi oo xisbiyada mucaaridka Somaliland ay meel adag iska taagen.

Biixi ayaa sheegay in tabashada xisbiga mucaaridka ee Waddani aysan waxba ka jirin, isla markaana ay waxba ka jirin heshiis uu xisbiga Waddani sheegay in xukuumada Kulmiye iyo Madaxweyne Biixi uu jabiyey.

Madaxweyne Biixi ayaa Guddoomiye Ciro ka dalbaday in shacabka uu usoo bandhigo heshiiska uu qiilka ka dhiganayo ee uu sheegay in Madaxweynuhu uu ka dul talaabsaday, ay oo bandhigaan halka uu ku saxiixay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu eedeymo u jeediyay dowladda federaalka Somaliland, isagoona sheegay in dowladda Farmaajo sidii ay u timid ay isku dayeysay in ay curyaamiso horumarka iyo kobac dhaqaale ee Somaliland.

Biixi ayaa dowladda Farmaajo ku dhaliilay talaabooyinkii u dambeeyay ee ay isku hor taagtay madaxweynayayaashii dalka, safarkii ay ku tagayeen magaalada Beledweyne, iyadoona dowladda dhowr jeer ku kacday talaabooyin ka dhan ah Mas’uuliyiintii mucaaridka ah ee ka soo horjeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com