Guddiga doorashada ee Puntland oo la meel mariyey

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa ansixiyey guddiga kumeel gaarka ee doorashada maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kulankan oo ahaa kii horreeyey oo ay yeeshaan golaha wakiilada Puntland, kadib xil ka qaadistii Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa shir guddoomiyey, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo dhowaan loo doortay xilkaasi.

Madanayaasha baarlamaanka ayaa gacan taag, kadib cod aqlabiyad leh ku meel mariyey guddiga doorashooyinka Puntland.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ka dalbaday xubnaha guddiga inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Guddiga la ansixiyey ayaa waxaa horyaalla shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin  diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, xuduudeynta degmooyinka iyo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ku dhawaaqay 14-kii bishii Ogoosto ee sanadkan 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com