Maxay ahayd calaamadda uu R/W Khayre kaga tagay Madasha Nabadda ee Paris?

Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sanadkan ka qeyb galay Madasha Nabadda ee Paris intii u dhaxeysay 11-13 bishan November madasha guddoonsiiyay Summadda Booliska Soomaaliya.

Madasha ayaa sanadkan ka codsatay dhammaan madaxdii ka soo qeybgashay in ay dhigaan summado dalalkooda lagu xasuusto, taa oo qeyb ka ah aasaaska maktabad xuuseed u gaar ah madshan lagu gorfeeyo xal u helidda dhibaatooyinka dunida ka jira.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhigaya summadda Booliska Soomaaliya matxafka cusub ayaa yiri “Waa astaanta iyo summadda Booliska Qaranka Soomaaliya, askari kasta wuxuu ku wataa madaxa, maxaa yeelay waa astaan nabadeed.”

Khayre ayaa intaas raaciyay “xayawaanka summadda u ah booliskeena laftiisa waa xayawaanka ugu nabadda badan, taasina waa sababta marka la dhawrayo amniga iyo kala dambeynta, booliska dal kasta u matalaan, waxaana u gartay inuu yahay shay macno ku fadhiya inaan idin keenno.”

Summadan ayaa Soomaaliya lagu xasuusan doonaa, iyada oo ka qeyb galayaasha madashan oo sanadkan kasta ku dhow toban kun oo qof oo daafaha dunida iskaga imaanayo ay daawan doonaan.

Halkaan ka daawo: Ma laga yaabaa in Farmaajo uu kiiska badda heshiis kala galo dowladda Kenya?