Dagaal sabab yaab leh oo ciidanka DF ku dhex maray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta waxa uu dagaal qaraar ku dhex-maray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla u sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii dhul dhismo uu ka socday leysku qabsaday, taas oo keentay in labada ciidan ay wada dagaalamaan.

“Askar ka wada tirsan dowladda waaye waxa dagaalamay, guri dhsimo ka socday ayaa kuwo rabay in ay lacag ka qaataan joojiyeen, kuwo kale ayaa yimid oo difaacayey, saas ayuu dagaalka ku dhacay, waxaan arkay hal askari oo meydkiisa meesha laga qaadayey iyo haweeney meesha mareysay oo dhaawac ah” ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada Xalane.

Xaaladda goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa haatan ah mid degan.

Dagaallada dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa muddooyinkaan ku soo badanayey Muqdisho, waxaana shalay Waaxda saddexaad ee degmada Dharkenley ku dagaalamay ciidamada xasilinta iyo kuwa milateri ah.

Inta badan dagaallada ayaa ka dhasha lacag baad ah oo laga qaadanayo guryo la dhisayo ama goobo ganacsi, oo ciidamada ay isku qabsadaan, waxaana yaab leh in ciidan dowladeed ku dagaalamaan baadda shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com