Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duleedka Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) ―   Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay deegaanka Beeyo Dhaadheer oo ku yaala duleedka magaaladaasi Berbera.

Dagaalkaasi oo daba socday muran dhuleed ka taagnaa deegaanka Beeyo Dhaadheer ayaa waxa uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, kaasi oo soo kala gaaray labo beelood oo ku dagaalamayey deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ku naf waayey hal qof, halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale, kadib markii saacado kooban uu dagaal culus ku dhex-maray deegaankaasi labada beelood ee ku muransan dhulka.

Beelaha ku dagaalamay deegaankaasi ayaa la sheegayaa inuu soo noq-noqday dagaalkooda oo salka ku haya arrimaha dhulka, iyadoona xiisadoodu ay aad uga taagneed maalmihii la soo dhaafay deegaankaasi Beeyo Dhaadheer.

Xiisada labada Beelood ayaa hadda weli ka taagan deegaanka uu dagaalku ku dhex-maray, iyada oo bulshada ku nool deegaankaasina ay soo food saartay cabsi baahsan oo ku aadan dagaalkaasi markale ka qarxay deegaankooda.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumada Muuse Biixi iyo Laamaha Amaanka oo ku aadan dagaalkan dib uga dhex qarxay labada beelood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.