DAGAAL sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay gobolka MUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaare geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka  si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhagtuur ee gobolaasi, wuxaana la sheegay inuu salka ku hayo kufsi loo geystay Gabar yar oo xalay gurigeeda lagala baxay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Dhagtuur uu ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayna ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay sheegeen ilo degaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weli xiisad ka dhalatay dagaalka ay ka taagan tahay miyiga deegaanka Dhagtuur oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxeen falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan howl-gal lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi sababay dhimashada ee saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Dhagtuur ee Mudug.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug ku soo badanayey dagaallada, waxayna salka ku hayaan aano qabiil oo ka taagan gobollada Galgaduud iyo Mudug.