Dil xanuun badan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay dil iyo dhac ka geysatay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana falalkan ay maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayey caasimada.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi burcadda ah ay xaafadda Jamhuuriyada ku dileen wiil dhalinyaro ahaa, kadibna ay u geysteen dhac, iyaga oo ka qaatay taleefanka uu watay.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Cali Maxamed, wuxuuna ka mid ahaa ardayda sanadkii hore ka baxay Dugsiga Sare ee magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in burcadda ay markii hore ku amreen Mowliid inuu ku wareejiyo taleefankiisa, kadibna uu dhaga adeegay, iyaga oo mar qura rasaas ku furay, waxaana la sheegay in dhaawac soo gaaray uu markii dambe u geeriyooday marxuumka.

Mowliid Cali Maxamed ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana ku noolaa xaafadda Jmahuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas oo si weyn looga yaqaanay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey falalka ammaan dari, sida dilalka iyo dhaca xilliyada habeenkii ah ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba arrimahan waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro, maadaama dowladda Soomaaliya ay haatan ku guda-jirto doorashooyinka 2021-ka.