Shabaab oo soo bandhigtay askar iyo saraakiil ciidan oo ‘isku dhiibay’ + Magacyada

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa munaasabad ka dhacday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle.

Askarta iyo saraakiisha ‘is dhiibtay’ ayey Al-Shabaab ku sheegeen inay gaarayaan illaa 9 ruux, isla-markaana ay ka how-galayeen degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi.

Qaar ka mid ah askarta lasoo bandhigay oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inay ka howl-galayeen dowladda hoose ee Beledweyne iyo xarumo kale oo ku yaal Hiiraan.

Sidoo kale askarta qaar ee la wareystay ayaa magacyadooda waxa ay ku kala sheegeen:- Ibraahim Cabdi Kariin Maxamuud, Cabdirisaaq Cali Aadan, Cabdi Xasan Maxamed, Cabdi Maxamuud Cagey, Bishaar Axmed Abiikar iyo sidoo kale Cabdifitaax Aadan.

Cabdirisaaq Cali Aadan oo ka mid ah askarta hadlay wuxuu wareysigiisa ku sheegay inuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa dowladda hoose ee degmada Beledweyne, marna uu soo noqday hoghaye ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

“Beledweyne ayaa ka imaaday walaal dowladda hoose ayaan ka shaqeynaayey xogheyn ayaan ahaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa kow ka shaqeyn jiray, qeybta soo dhoweynta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Hiiraan, kuna aadan arrinta askartaas ‘isku dhiibtay’ Al-Shabaab.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla xarumo waa weyn, sida maxkamado iyo saldhigyo ay dagan yihiin dagaalyahanadeeda.