Abiy oo shaaciyey ajaaniib ka dhinac dagaalamaya Tigray-ga + Dalka ay kasoo jeedaan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isku dayey inuu qiil u sameeyo guul-darrooyinka ay wajahayaan ciidankiisa iyo guulaha ay gaareen mucaaradka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa Xoogagga Tigray ku eedeeyay in ay dagaal-geliyeen ciidamo ajaanib ah kuwaas oo ka qeyb qaatay dagaalka u dhaxeeya jabhadaas iyo ciidamada Federaalka.

Inkastoo uusan sheegin wadamada ay kasoo jeedaan ajaanibtaas, islamarkaana uusan soo bandhigin caddeymo muujinayo eedeyntiisa haddana wuxuu sheegay in ajaanibtaas ay yihiin cadow kusoo duulay dalka Itoobiya.

“Waxaa jira dad caddaan iyo madow isugu jira oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo la hadlay madax sare oo ka tirsan xukuumaddiisa. 

Dad ku dhow Abiy ayaa laga soo xigtay in ajaaniibta uu sheegay ay ka id yihiin Masaari, inkasta oo uusan isaga si rasmi ah ugu eedeyn.

Eedeynta Abiy ayaa loo arkaa inay caddeyn u tahay sida xaalka ugu xun yahay iyo inuu wajahayo guul-darrooyin xooggan.

Abiy Ahmed ayaa ku baaqay in cid kasta oo awooda inay qaadato hubka, si loola dagaalamo TPLF, oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa doonaya, burburinta dowladda Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada TPLF ayaa isku fidinayo magaalooyin cusub waxayna bartilmaameed ka dhiganayaan waddooyinka muhiim ah ee gala Magaalada Addis Ababa taasoo culeyska kusii badineyso Caasimadda Itoobiya.

Maamulka Caasimadda Addis Ababa ayaa shacabka Magaalada ugu baaqay inay 2 berri gudahood kusoo diiwaan geliyaan hubka ay heystaan si ay uga qeybgalaan dagaalka lagula jiro TPLF oo 380 km usoo jirsaday.

Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa shalay xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo.

“Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Midowga Tigray-ga ay la sameysteen Oromada oo ah qowmiyadda uga tirada badan Ethiopia, waxaya xoojin doontaa awoodda ay ku halis gelin karaan caasimadda.

Wararka laga helayo Addis Ababa ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay xireen dad kasoo jeedo Qowmiyadda Tigrayga, taasoo dhallin karta dagaal qabiil oo ka dhex bilowdo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa bilaabatay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi.

Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkaan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyey oo qabsaday xooggaga Tigray.

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalamka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya.