Xog: Madaxweyne Farmaajo oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Cumar Filish + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka fakaraya inuu xilka ka qaado guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, madaxweynaha Farmaajo ayaa loo geeyey eedeymo badan oo musuq-maasuq oo ka dhan ah Cumar Filish, kuwaasi oo badankood la xiriira musuq-maasuq lagu sameeyey dhul danguud ah.

Farmaajo ayaa soo saaray 28-kii October dikreeto ujeedkeeda lagu sheegay looga hortagayo in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu helay xog ku saabsan in dhulalka dan guud ee la musuq-maasuqayo, ay ka mid yihiin: Dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay, kuwaas sida lagu sheegay qoraalka la isku dayayo in loo sameeyo dukumiinti sharci darro ah.  

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in warqdada madaxweynaha ay si toos ah ugu socotay Cumar Filish, ayna timid kadib markii loo geeyey xog ka dhan ah guddoomiyaha.

Cumar Filish ayaa tan iyo markii ay soo baxday digreetada waxa uu waday dadaallo xooggan oo isugu dayayo inaan xilka laga qaadin, isaga oo maalmihii dhowaa aad ugu badnaa madaxtooyada. Wuxuu sidoo kale dirsaday ergooyin odayaal ah oo la hadlay madaxweynaha, sida aan xogta ku helnay.

Dhinaca kale, xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Maxmed Xuseen Rooble uu qeyb ka yahay cadaadiska xilka looga qaadayo Cumar Filish, isaga oo madaxweynaha kala hadlay arrintan.

Rooble ayaa olole ugu jira in xilkan loo magacaabo la-taliyihiisa abuukaate Cumar Dhagey, oo ay isku beel yihiin Cumar Filish.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in mustaqbalka Cumar Filish ee xilka duqa Muqdisho uu kala caddaan doono toddobaadkan, waxaana la sheegay in haddii uu badbaado toddobaadkan ay u badan tahay inaan la taaban.