Dhageyso: Galka Baarista oo shaaciyey sir xasaasi ah oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 21-kii bishii tagtay heshiis ka gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay.

Khilaafka labada Nin ayaa markii hore ka bilowday cadaalad u helida Ikraan oo aheyd gabar ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ee NISA oo muddo la la’yahay, islamarkaana ay hay’addu sheegtay inay dileen Al-Shabaab, taasi oo ay iska fogeysay kooxdu.

Baarista kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa xiligan gacanta ku haya Xeer ilaaliyaha maxkamadda millateriga oo dhawaan lagu wareejiyay, balse weli dhaqaajin la’.

Galka Baarista ayaa shaaciyey in guddiga maxkamadda ciidamada qalabka sida uu la kulmay caqabad dhanka NISA ah.

Xogta ayaa shaacisay in maxkamadda ay dalbatay in la wareysto laba sarkaal oo ka tirsan NISA oo lagu tuhmayo kiiska, oo mid ay tahay gabar guriga la deganeyd Ikraan Tahliil.

Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa ah in NISA ay diiday in la wareysto labadaas sarkaal, ayna ku adkeysatay inay ayada soo wareysato.

Waxaa kadib NISA ay sheegtay inay wareysatay labada sarkaal, waxayna u gudbisay guddiga baaritaanka warbixin ka kooban 38 bog oo ah jawaabaha ay bixiyeen labada sarkaal.

Galka Baarista ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday hab yaab leh oo loo baa’biyey muuqaal ay duubeen kaamirooyinka NISA oo duubay Ikraan markii la waayey.

Haddaba xagee ayuu hadda maraya baaritaanka kiiskan? Waxaa jawaabta diirada lagu saaray barnaamijka Galka Baarista, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf. Hoos ka dhageyso.