Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah guddoomiyaha guddiga doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa joojiyay Madal lagu martiqaaday Guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka, Maxamed Xasan Cirro, taasi oo qorshuhu ahaa in caawa ay ka dhacdo magaalada Garoowe.

Amar kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxa lagu wargeliyay Madaxda Warbaahinta Daljir inaysan bishan qaban karin Madasha Daljir, oo ay ku casuumen Guddoomiye Cirro.

Amarka lagu joojiyey Madasha ayaa waxay maamulka Puntland ku sheegtay in barnaamijka uu la socon karin siyaasadda maamulka Puntland.

Madaxda Daljir aya sidoo kale shaaciyey inay u hogaansameen amarka uga yimid maamulka Puntland, islamarkaana ay joojiyeen barnaamijkaas, ayaga oo sheegay in uusan ku saabsaneyn siyaasad.

“Barnaamijka Madasha Daljir ee caawa wax siyaasad ah kuma lug laheyn, fikirkana anaga ayuu naga yimid, balse waa u hogaansameena amarka xukuumadda Puntland,” ayuu yiri Maxamed Welcome oo kamid ah mas’uuliyiinta Daljir.

Puntland ayaa u aragta barnaamijka lagu casuumay Guddoomiye Cirro mid siyaasadeed oo dano gaar ah laga leeyahay, taasi oo ay u cuskatay amarka gebi ahaanba lagu joojinayo.