Xog: 11 beel oo Rooble u gudbiyey diidmo ka dhan ah mid ah deegaan doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay odayaasha dhaqanka 11 beel oo ka mid ah kuwa daga gobolka Hiiraan si looga wada hadlo kuraasta aqalka hoose ee taalo Magaaladaas .

Sida xogta sheegeyso, odayaasha dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in kuraasta ka taalo magaalada Beledweyne loogu soo wareejiyo caasimadda maamulkaas ee Jowhar maadaama madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe loo diiday inuu tago halkaas.

25-ka Kursi ee taalo magaalada Beledweyne waxaa 8 kamid ah iska leeh beesha Xawaadle ee diiday inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne halka 17-ka kursi ee kale ay leeyihiin Beelaha ay odayaashooda u tageen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Odayaasha la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gudbiyey walaacooda ku aadan in haddii Cali Guudlaawe uu tagi waayo Beledweyne ay, taas ka dhigan tahay in Beesha Xawaadle ay maamuli doonto kuraastooda midaas oo ay ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin.

Sida ilo waareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online Ra’isul Wasaare Rooble ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono kuraasta taalo Beledweyne haddii ay Beesha Xawaadle ku adkeysato go’aanka ay Cali Guudlaawe ugu diideyn Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabatay shalay iyadoo lagu bilaabay laba kamid ah kuraasta reer waqooyiga ee taala Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Inkastoo ay ceebo badan hareeyeen doorashadii shalay haddana waxay dhinaca kale ka dhigan tahay in toos loo guda galay doorashadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrimaha aan weli la helin ee ku gadaaman doorashada Golaha Shacabka waxaa kamid ah khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo Beesha Xawaadle oo si weyn uga hortimid awood qeysiga maamul Goboleedka Hirshabelle.