Natiijada kursigii uu Mahdi Guuleed ku guuleystay oo la hakiyey kadib arrin soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu dalbaday in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Qoraal ka soo baxay guddiga oo lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas, maadaama dacwad laga keenay kursiga Hop 239.

Dacwad ayaa waxaa soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hadda kursigan ku fadhiya, illaa baarlamanka cusub laga dhaarinayo.

“Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee loo igmaday, waxuu farayaa guddiga doorashooyinka heer federaal, in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Hop 239, inta guddigu go’aan ka gaarayo dacwadda laga soo gudbiyey kursigaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in baaritaanka dacwada laga soo gudbiyey doorashadii kursigaas ay ku soo gabagabeyn doonaan mudo 7 maalmood ah, iyagoo balan qaaday in go’aanka dacwadaas ay u gudbi doonaan dhinacyada ay khuseyso.

Kursigaan shalay loo doortay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed, waxuuna ku soo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, Mahdi ayaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka