Ethiopia oo la geliyey xaalad deg deg ah xilli TPLF ay ku wajahan tahay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Ethiopia ayaa ku dhowaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey dalka, xilli aad looga cabsi qabo in kooxda TPLF ee Tigray-ga ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa

“Xaaladda deg degga ah ayaa waxaa loogu talo-galay in shacabka laga bad-baadiyo xasuuqa ay argagixisada TPLF ka gaysanayaan qeybo dhowr ah oo ka mid ah dalka,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Xaaladda deg degga ah ayaa ogolaaneysa arrimo ay ka mid yihiin in la sameeyo jidgooyooyin, la carqaladeeyo hanaanka gaadiidka, lasoo rogo bandow, ayna militariga la wareegi karaan meelaha qaar. 

Qof kasta oo lagu tuhmo inuu xiriir la leeyahay “kooxaha argagixisada oo TPLF ay ka mid tahay” ayaa la xabisi karaa ayada oo aan maxkamad lasoo taagin, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Tigray-ga ay guulo ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan dowladda, ayaga oo toddobaadkan qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amhara oo kala ah Dessie iyo Kombolcha.

Ciidamada Tigray-ga ayaa sidoo kale xulufo la sameystay mucaaradka Oromada ee sidoo kale dagaalka kula jira dowladda dhexe, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Afhayeenka Tigray-ga Getachew Reda ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qorshahooda uu yahay inay u dhaqaaqaan dhaanka Addis Ababa si ay u qabsadaan magaalada caasimadda ah, haddii laga fursan waayo.

“Waxaan xulufo la sameysanay oo aan xiriirnay OLF/OLA, waxaana haddii inaan ku guuleysanao hadafkeena uu qasbayo inaan u dhaqaaqno Addis Ababa, aan sameyn doonaa sidaas. Balse hadda ma oraneyno waan u jiheysaneynaa,” ayuu yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Goor sii horeysay oo maanta ah, mas’uulyiinta magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa ayaa ugu baaqay dadka degan magaalada inay diiwaan-geliyaan hubkooda labada maalmood ee soo socota, si ay isugu diyaariyaan inay magaalada difaacaan.

Sidoo kale, qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu Axaddii shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

“Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara.

Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.