Daawo Goodax: Shacabka waxay mar dhow dowladnimo u raadsan doonaan Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku hayso maamulka magaalada Muqdisho.

Goodax Barre ayaa dowladda federaalka ku tilmaamay mid ka liidata Al-Shabaab, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed ku kalifay inay Shabaab u doontaan cadaalad, sida uu sheegay.

“Umadda Soomaaliyeed ayey ku kalifeen inay cadaalad u doontaan Shabaab, hadda dowladnimada ayey u doonanayaan sida ay hadda ku socdaan haddii ay kusii socdaan,” ayuu yiri Goodax Barre.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka taliso magaalada Muqdisho, ayna u harsan tahay in calanka madow laga taago oo keliya.

“Aamin ha aaminin maanta Shabaab isaga ka taliya Xamar, waxay ka doodayaan keliya calankii madow miyaa soo celinaa mise kuwan waa xoolo amay nagu kacaan gaalada, hadda waa maamulna ee aan ka joogno, noocaas ayey Shabaab u maamulan Xamar.”

Hadalkan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe laga deyrinayay canshuuraha tirada badan ee kooxda ay ka qaatan ganacsatada magaalaada Muqdisho, ayada oo ay joogto dowladda federaalka Soomaaliya.