28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dagaal uu dhiig-badan ku daatay oo ka dhacay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay maleeshiyo beeleed wada dega Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa uu maanta ka dhacay Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose, kaasi oo dhiigbadan uu ku daatay.

Dagaalka ayaa mudada uu socday waxaa leysu adeegsaday Hubka culus, waxaana halkaasi laga qaaday dad qaba dhaawacyo iyo meydad kala taabacsanaa labada dhinac.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaaden kuwa kale oo ku sugnaa Xaafad ka mid ah Magaalada Marka, waxaana sidaa ku bilowday Dagaalka oo socday dhowr saac oo xiriir ah.

Dagaalka oo wakhti qaatay ayaa waxaa markii danbe kusoo baxay Odayaasha oo halkaasi ku hakiyay waxaana Caawa Degmadaasi laga dareemayaa Cabsi saa’id ah.

Qeybo kamid ah magaalada Marka ayaa caawa haawineysa waxaana ka barakacay maanta dadkii halkaasi ku noolaa oo u qaxay Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.

Xaalada ayaa ah mid aan caga wanaagsan ku taagneyn waxaana suuragal ah in wakhti waliba uu halkaasi Dagaal ka dhaco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News