24.9 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xog: AMISOM oo ka walaacsan arrin cusub oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Dowladda Uganda ay Ururka Midowga Afrika kala hadleyso Ciidamada ka jooga Somalia oo u badan kuwo kasoo jeeda dalka Ugandha.

Wada hadalka labada dhan ayaa waxa uu ku saabsan yahay qaabka ugu sahlan ee Ciidamadaasi lagu siin lahaa mushaarkooda, waxa ayan Dowlada Ugandha ku doodeysaa in muqadas uu yahay mushaarka Ciidamadeeda maadaama ay yihiin kuwa ugu badan.

Col. Paddy Akunda oo ah Afhayeenka Ciidamada Militariga Dalka Uganda, ayaa sheegay in wada hadalka uu yahay mid iminka bilowday, balse xoogiisa uu yahay mid looga doodaayo sida Ciidamada AMISOM lagu siin lahaa xuquuqdooda.

Paddy Akunda, waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda Uganda dhawaan ay Somalia kala soo baxday ku dhawaad 2,000 oo Askari kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM, waxa uuna tilmaamay in iyaguba aysan wali helin Mushaarkooda.

Wada hadalka labada dhinac ayaa imaanaya xili Dowlada Uganda ay Somalia ka joogan Ciidamo dhan 6,000.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News