28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Shirki Jowhar oo laba midkood la isku hayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiligaani shirka Jowhar uu yahay mid rajo laga qabo in ergada jooga iyo kuwa maqan ay midoobaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Idaacadaha maxaliga ah ayaa sheegay in shirka uu iminka yahay mid badi leysku waafaqay.

Waxa uu sheegay in inta badan Odayaashii careysnaa la xaliyay arrintooda, waxa uuna intaa raaciyay in kuwa harsana loo sameeyay guddi arrintooda xaliyo.

Sheekh Xuseen, waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in xiligaani uusan jirin cabasho sidaa u buuran, kaliya Ergooyinka ay ka dhowr sugayaan guulaha shirkaasi kasoo bixi doona.

Sidoo kale, waxaa rajadaasi ee uu sheegay Sheekh Xuseen, wax kama jiraan ka dhigay Nabadoon Maxamed Yacquub oo ka mid ah ergooyinka ku sugan Jowhar oo sheegay in shirka uu qarka u saaran yahay in lagu kala tago.

Nabadoonka waxa uu carab dhabay in Dowlada aysan raali ka aheyn guulaha kasoo bixi lahaa shirka, halka Ergaduna ay tahay kuwo madasha ku caajisay. Ma cadda sida DFS ay arrintaani uga mirro dhalin laheyd maadaama iyada lagu tuhmaayo fashilka meesha ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News