28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Amiir Sacudi ah oo qorshe weyn ka leh Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo booqasho ku tagey dalka boqortooyada Sucuudi Carabia ayaa kulamo uu la qaatey maalqabeeno Carbeed ayaa la sheegey in heshiis ku gaareen in dekad laga dhiso tuulada Garacad ee ku taal gobolka Mudug.

Qoraal ku soo baxey Bogga Facebook ee ku hadla afka madaxtooyada Puntland ” Puntland State House” ayaa lagu sheegey in Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku joogey boqortooyada Sucuudi Carabiya 28 April, 2016 heshiis lagu dhisayo dekad ay yeelato magaalada Garacad gobolka Mudug iyo wado Iaami ah ee isku xirta Garacad iyo Galdogob uu la gaarey maalqabeen lagu magacaabo Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Bogaan ku hadla afka madaxtooyada Puntland oo aan lagu sheegin qiimaha ay ku kacayaan hirgalinta mashaariicdaan ayaa sidoo kale xusey in maalqabeenkaan uu warshado kaluumeysi ka dhisi doona magaalooyin ku yaal xeebaha Puntland sida Eyl, Bargaal iyo Xaabo halka uu maalgashi ku sameyn doono ka ganacsiga xoolaha.

Saxiixa qoraalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli horey Xukuumada Madaxweyne Gaas heshiis lagu balaarinayo dekada magaalada Bosaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland la gaarey ganacsade Falsatiini ah kaasoo ilaa hadda aan bilaaban iyadoo dowlada aysan weli kasoo saarin wax hadal ah sababta keentey dib u dhacaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo dib ugu soo noqdey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa la filayaa inuu ka dago xarunta ganacsiga Puntland maalmaha soo socda halkaasoo kaga qayb gali doono munaasabad lagu dhagax dhigayo dhameystirka garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso kaasoo lacagta ku baxeysa bixineyso dowlada Talyaaniga halka lasoo marsiin doono urur goboleedka IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News