28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ujeedka shir ay beesha caalamka qeyb ka tahay oo ka dhacay xafiiska R/wasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay madasha isku xirka howlaha ka hortagga fikirka xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay xarunta TUBSAN.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo dardargelinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, si looga hortago marin-habaabinta kooxaha argagixisada.

Ra’iisul wasaare ku-Xxigeenka ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay guulo la taaban karo ka gaartay amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta barnaamijyada wacyigelinta bulshada.

“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo dhismaha jiil ka madaxbannaan fikirrada xagjirka ah,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamka ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu cirib-tiri karo xagjirnimada.

Madasha waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya arrimaha ka hortagga xagjirnimada, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada si loo kordhiyo wacyigelinta heer deegaan.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ka qeyb-galay shirka ayaa isku raacay in la dardar-geliyo barnaamijyada dhalinyarada loogu abuuro fursado shaqo iyo waxbarasho si loo yareeyo sababo keeni kara xagjirnimo.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso amniga iyo xasilloonida dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News