Baydhabo (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baydhabo.
Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 Askari, halka Lix kalane uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday arrimo ku aadan dhanka Siyaasada, waxaana mar qura fooda isdaray labada ciidan.
Wasiirka amniga ee dawlada Koofur-Galbeed Soomaaliya, C/fitaax Ibraahim Geesey ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid muddo kooban socday waxa uuna xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 3 Askari.
Wasiirka waxa uu sheegay in labada ciidan ay kala qaaden isla markaana ay iminka ku guda jiraan sida xal looga gaari lahaa dhiiga ku daatay dagaalka.
Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaalo u dhexeeya ciidamada maamulka waxa uuna dagaalkaani qeyb ka yahay dagaaladaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

