Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto magaalada, iyadoo dhaqdhaqaaq ay sameynayaan ciidamada labada maamul.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa dagaal kooban wuxuu ka dhacay halka maamulka Puntland ay maxjarka ka dhiseyso oo ku taala galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Inta la xaqiijiyay dagaalkii dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa sababay dhimashada seddex ruux iyo dhaawac intaasi ka badan.
Madaafiic ay isweydaarsaneeyn labada dhinac ayaa ku dhacday xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana taasi ay qasabtay in saaka xaalada ay kasii darto.
Magaalada Gaalkacyo oo muddo lagu dagaalamayo ayaa waxay gashay xaalad aad u adag, waxaana magaalada ka barakacay kumanaan dadweyne ah.
Waxaa jiro dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiska Mudug
[email protected]

