25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Ciidamada Galmudug oo awood kusoo furtay Gabar Ajnabi ah oo la qafaashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Galmudug ay cudud Militery kusoo furteen Gabar Ajaanib ah oo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay ku haysteen Degaanka Camaara.

Howlgalkaani ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan NISA kuwaasi oo kaashanaayay xogo ay ka heleen dadka deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Gabadhaani ay soo furteen ciidamada NISA ee Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay kasoo jeedo dalka Kenya waxa uuna ujeedku ahaa inay ku qaatan lacag madax-furasho ah.

Gabadhaani ayaa la sheegay in gacanta Kooxdaasi ay ku jirtay ku dhawaad 17 bil, sida ay sheegen Saraakiil ka tirsan maamulka ee howlgalka qeybta ka ahaa.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa Gabadhaasi ku wareejiyay maamulka Cadaado, waxaana lagu wadaa in lagu sii wareejiyo Dowlada Kenya.

Docda kale, dadaalkaani ay geysteen Ciidamada Galmudug ayaa imaanaya xili inta badan deegaanada Galmudug ay ka dhacaan afduubyo ay fuliyaan Kooxo Burcad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News