24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Sheekh Maxamed Shaakir oo ku dhawaaqay qorshe Galmudug dhibaato ku ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay in magaalada Dhuusomareeb ay ku qaban doonaan doorasho, kadib markii ay ku qanci waayeen doorashooyinkii xubnaha aqalka sare ee ka dhacday magaalada Cadaado.

Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxweynaha Ahlu sunna ayaa sheegay in magaalada Dhuusomareeb ay ka socoto qaban qaabada doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka.

“Waxaan u caddeyneynaa beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed in dorashooyinkiii ka dhacay Cadaado iyo kuwa dhici doonaba aaney ahayn kuwo matala gobollada dhexe”

“Wax ka jira malahan waxyaabahaasi oo dhan, sidoo kalena annaga ka maamul ahaan aan aqoonsaneyn, annaga waxaan diyaarineynaa doorashada xildhibaannadii Labada aqal, waxaan ku diyaarineynaa degmada Dhuusamareeb” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Dhinaca kale wuxuu ku eedeeyay taliska AMISOM ineysan dhaxdhexaad ka aheyn howlgalka nabad ilaalinta ay u joogaan Soomaaliya, maadaama ciidamo ay dhawaan geeyeen magaalada Cadaado.

“Aad ayaan uga xunnahay in ciidamada Jabuuti ay tagaan Cadaado oo ay dhahaan annaga ayaa idiin askar ah, waliba caddaalad darada ku gacan siinaya markii AMISOM-ta kale ay diideen iney Cadaado tagaan” ayuu yiri Maxamed Shaakir.

Qorshaha Ahlu sunna damacsan tahay ayaa ah arin maamulka Galmudug aysan la dhacsaneyn maadaama ay soo doorteen xubnaha aqalka sare ee Galmudug u matalaya baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News