Dagaal xoogan oo ka socda Hiiraan & gurmad halkaasi kusii qulqulaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu waxyar ka hor ka dhacay Deegaanka Diifoow ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaal uu u dhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beelood oo wada dega Deegaankaasi Diifoow oo hoostaga Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ku bilowday Hoobiyayaal, ayaa waxaa soo qaaday mid kamid ah Maleeshiyada Labada Dhinac,iyadoona hada dagaalka uu si xoogan u socdo, waxaana halkaasi gaaraya maleeshiyaad gurmad ah.

C/llahi Xaaji oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada DFS ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan oo Khasaaro geystay, waxa uuna Tilmaamay inay wadaan qorsho ay ku kala dhex galayaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Dagaalka uu Geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo Dadka Rayid iyo Maleeshiyada soo kala gaartay.

Deegaanka Deegaanka diifoow ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay Dagaalo xoogan oo Maleeshiyo deegaanka ah u dhaxeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com