25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Puntland iyo Gal-Mudug oo Gaalkacyo ku hadlaya, iskana diiday DF SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Cali Xaaji Warsame oo ah wasiirka waxbarashada dowladda Puntland ayaa saxaafadda u sheegay inay billaabmayaan wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka waxaa uu ka mid ahaa xubnihii dawladda Puntland ee dhawaan soo gaaray Gaalkacyo, waxuuna sheegay in xubno labada dhinac ah ay is hor fadhisanayaan si loo soo afjaro khilafka jira.

Cali Xaaji waxuu sheegay in wada hadaladu ay billaabayaan qaybaha kala duwan ee waxgaradka labada dhinac ka dibna ay ku xigi doonaan dhanka maamulada siyaasadeed.

Wasiirka waxbarashada waxaa uu tilmaamay in wada-hadaladu ay ka dhici doonaan magaalada Gaalkacyo, taasoo meesha ka saaraysa in lagu qaban doono Muqdisho.

Mas’uulkan ka tirsan dawladda Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in la dhisi doono guddiyo labada dhinac ah ka dibna si toos ah lo gudo gali doona xalinta wixii sababay mushkiladihii siyaasadeed ee dhawaan soo cusboonaaday.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in wada-hadalada nabadeed ay soo dhex galayso gacan saddexaad ayna wixii dhexdooda ay dhamaysan doonaan Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka oo ka hadlay haddii ay jirto dhexdhexaadin iyaga iyo Galmudug ay dhex waddo dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan arintaas jirin arimahoodana ay iyaga ku filan yihiin.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa carabka ku dhuftay in shacabka gobolka Mudug uu nabad u baahan yahay, isla markaana khilaafaadyada yaryar ay ka hor tagi doonaan ka Puntland ahaan.

Isha: RBC

- Advertisement -

Read more

Local News