VIDEO: Soomaali shiicada ku biiray oo arrimo yaaab leh shaaca ka qaadaya !!!

Maxamed Cali oo ah nin Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in uu ku qancay Mad-habta Shiicada, markii uu baaris iyo isbarbar dhig uu sameeyay kadibna uu go’aankaasi qaatay, sida uu sheegay.

Ninkani Soomaaliyeed oo Maqaayad ku lahaa London, wuxuu marti ku noqday Telefishin Shiicada leedahay, waxaana laga diyaariyay barnaamij la magac baxay Dib u dhalasho, iyadoo wadaad ka mid ah Culumada Shiicada uu Ashahaadka Shiicada u qabtay, kana duwan Ashahaadka Sunniga rasmiga ah ee Islaamka.

Ninkan oo la ilmeynaya muxubada uu u qabo Mad-habta Shiicada ayaa video-gaan oo loo turjumay Af-Soomaali wuxuu kaga hadlayaa arrimo badan. Barnaamijka waxaa diyaariyey Sheekh Soomaaliyeed, oo umadda si wanaagsan u tusaya waxa ay shiicada yihiin.

Halkan ka daawo Video-ga